Home Wararka Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sameeyey ballan qaad cusub oo ka...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sameeyey ballan qaad cusub oo ka dhan kooxda Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sameeyey ballan qaad cusub oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kadib kulan uu Washington kula qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka garab siiso dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan shalay iyo maanta galay shirar isku xig xigay oo aan kala har laheyn, Pentagon-ka ayaa shir ku galnay, white house-kaa tagnay, Sate Baarlamaanka tagnay, dhammaan madaxd hey’adahaas kala duwan ayaan aragnay si guul ah ayey kusoo dhammaadeen, dowladda Mareyanka ee xilligaan jirta way ka go’an tahay inay Soomaaliya kaalmeyso,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Waxaan la wadaagnay inuu jiro kacdoon  dhanka qabaa’ilka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay bilaabeen inay dadka cabsi geliyaan oo ay ceelasha ka duugaan, isla markaana ay carruurta dadka ka afduubtaan.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Al-Shabaab si nabad ah looga soo furtay 20 carruur ah oo ay ka duubteen gobolka Hiiraan, kadib markii ay ku kaceen dadka deegaanka, taas oo tusaale uu ugu soo qaatay tabar darrada kooxda.

“Kacdoonkii ugu darnaa wuxuu ka dhacay gobolka Hiiraan, markii Al-Shabaab ay 20 cunug tuulo ka wateen, tallaabadaas waxay sababtay dagaal khasaare badan ka dhashay, ugu dambeyntiina keentay in Al-Shabaab laga dilo 27 qof, halka si nabad ah loosoo badbaadiyey ilmihii ay qafaasheen,” ayuu kulankaas ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed way bilaabeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kale diyaar garow weyn ayaa ka socda Jubbaland, waxaa fakar igu heysa gobolka Jubbada Dhexe oo ah gobolka kaliya oo ay Al-Shabaab 100% ka taliyaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan ayaa ballan qaaday in la arki doono Al-Shabaab oo laga waayey Soomaaliya. Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ayaa Soomaaliya socda wax ka badan 15 sano illaa hadda lama yareyn awooda kooxdaan oo fulisa weerarro gaadmo ah iyo qaraxyo culus.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Puntland.
Next articleDagaalo culus oo ka dhex qarxay Laba Dal oo ka mid ah kuwa aduunka ugu Saboolsan (Sawirro)