14 dhalinayaro Soomaaliyeed ah oo shalay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibya soo ambabixisay ayaa saakay soo gaaray garoonka Aaden Cabdulle ee Muqdisho.
Dhalinyaradaan ayaa muddo badan burcada Magafeyaasha loo yaqaano ugu xernaa xabsiyo macmal ah oo ku yaalla dalka Liibya, kuwaasoo qabsaday xili dhalinyaradan ay doonayeen iney tahriib ku galaan Yurub.
Waxaa soo celintooda iska kaashaday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee DS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.
Dhalinyaradan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin ku soo laabashada dalkooda hooyo oo ay sheegeen ineysan jirin wax uga wanaagsan.
Waxay ka sheekeeyeen dhibaatooyinkii adkaa ee loogu geystay xabsiyada ay dalka Liibiya ku leeyihiin kooxaha Magafeyaasha ah, waxayna u mahad celiyeen dowlada Somalia oo u fududeysay iney ku soo laabtaan dalkooda hooyo,iyagoo nabad qaba
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay