Home Wararka Caalamka Xeebaha Soomaaliya oo ka caagan sanado ka dib Kooxaha Burcad badeeda

Xeebaha Soomaaliya oo ka caagan sanado ka dib Kooxaha Burcad badeeda

0

Rugta Caalamiga ah ee Maraakiibta ayaa isku raacday in xeebaha Soomaaliya laga saaro goob halis ah ka dib sanado badan oo lagu guuleystay howlgallada ka dhanka ah burcad badeeda.

War-saxafaddeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in la ansixiyay isbeddel cusub oo shaqeyn doona laga bilaabo Janaayo sanadka soo socda.

“Ma jiraan wax weerar ah oo burcadbadeednimo oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya tan iyo 2018,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay International Chamber of Shipping.

In ka badan toban sano, burcad-badeedda Soomaaliya ayaa boqolaal weerar ku qaaday maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Bariga Afrika, mararka qaarkood waxay ka heli jireen malaayiin doollar oo madax furasho ah.

Waxay ku qasbeen shirkadaha maraakiibta inay qaadaan tallaabooyin ammaan ah sida shaqaaleysiinta ilaalada hubaysan iyo rakibida siligyada.

Khatarta burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu muujiyay filimkii ku guulaystay abaalmarinta Oscar ee Captain Phillips, soona baxay 2013.

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku guuleystay in ay ka hortagaan weerarada burcad badeedda.

Dadaaladan ayaa dhaliyay in golaha ammaanku joojiyo howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka burcadbadeeda Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in mashruucaas oo dhaqaale badan ku bixiya jiray la joojiyo.

Ad
Previous articleRag hubeysan oo weerar ku qaaday xubna ka tirsan guddiga Doorashada kenya
Next articleDowlada Cusub oo Qaaday Talaabo Wanaagsan oo ay Kaga Dayatay Dowladii Farmaajo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here