Home Wararka Maanta Siyaasigan ayaa sheegay haddii madaxweyne loo doorto in uu Soomaalida ku abaal-marinayo...

Siyaasigan ayaa sheegay haddii madaxweyne loo doorto in uu Soomaalida ku abaal-marinayo inay qaataan caasimadda

0

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada Kenya, oo lagu wado in ay dhacdo 9-ka bisha August ee sanadkan 2022-ka ayaa u muuqda in ay aad u danaynayaan soo jiidashada Soomaalida ku nool waddanka.

Waxa ay Soomaalidu ka mid yihiin qowmiyadaha Kenya dhulka ballaaran ku leh, waxayna tiradooda saamayn ku leedahay natiijada doorashada.

Waxaa la qiyaasaa in ilaa 850,000 oo Soomaali ah ay codadkooda ka dhiiban karaan doorashada guud ee Kenya oo qof iyo cod lagu soo doorto madaxda dowladda dhexe, baarlamaanka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Qaar ka mid ah murashaxiinta u hanqal taagaya xilka madaxweynaha ayaa hadallo jeediyay maalmihii lasoo dhaafay, iyagoo ku guda jira ololaha oo sii xoogaysanaya.

George Wajackoyah siyaasiyiintaas ayaa shalay hadal haynta warbaahinta maxalliga ah qabsaday kaddib markii uu soo bandhigay qorsheyaasha u diyaarsan haddii loo doorto xilka ugu sarreeya dowladda.

Qodobbo dhowr ah oo uu sheegay waxaa ka mid ahayd in uu caasimadda Kenya, oo ah Nairobi, ka baddali doono, una weecin doono magaalo kale oo ka mid ah kuwa ku yaalla dhulka ay Soomaalidu u badan tahay.

Barfasoor Wajackoyah ayaa sheegay in Soomaalida ay Kenya ku wajahaan caqabado aysan la kulmin qowmiyadaha kale.

“Labo jeer ayaa la ciqaabaa Soomaalida, midda koowaas waa in ay Soomaali yihiin darteed, tan labaadna waa in mar walba oo ay sharciga aqoonsiga raadsanayaan ay ku khasban yihiin inay afar wax ka badan afar jibaar dadka kale ee reer Kenya caddeeyaan inay u dhasheen Kenya.

“Arrintaas way dhammaan doontaa,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu intaas sii raaciyay in uu abaal marin raalligelin ah siin doono Soomaalida, haddii xilka loo doorto.

“Waxaana u xaqiijin karaa bulshada Soomaalida inaysan meelna u soconin oo ay waddankan kusii noolaan doonaan, waxaana idinku abaalmarin doonnaa inaan caasimadda waddankeenna ka baddalno halkan kana dhigno magaalada Isiolo,” ayuu yiri George Wajackoyah .

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo oo cadeeyey Mowqifkiisa ku aadan Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Raysulwasaare Xamse
Next articleMaxkamadda sare ee Hindiya oo Amar dul-dhigtay haweeneydii Nabiga (NNKH) aflagaadeysay