Home Wararka Caalamka Sacuudiga oo ka hadlay Maamulka Cusub ee Mareykanka iyo Waxa ay ka...

Sacuudiga oo ka hadlay Maamulka Cusub ee Mareykanka iyo Waxa ay ka filayaan

0

Wasiiirka Arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyada ay niyad wanaagsan ka qabto inay “xiriir aad u wanaagsan” la yeelan doonto maamulka madaxweyhe Joe Biden, ayna sii wadi doonto inay Washington kala hadasho heshiiska barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

“Si wanaagsan ayaan wax u eegayaa. Sacuudi Carabiya waxay dhistay xiriir adag oo taariikhi ah oo ay kula shaqeysay maamullo kala duwan. Waana lasii wadi doonnaa middaas maamulka madaxweyne Biden,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi siiyey taleefishinka Arabiya TV.

Biden ayaa intii uu ku guda jiray ololaha doorashada waxa uu ballan-qaaday inuu dib u eegi doono xiriiirka Sacuudiga, oo ah dal uu sanadii 2019-kii ku qeexay “gooni u socod”.

Biden waxa uu sheegay inuu mowqif adag ka qaadan doono diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga, iyo dagaalka burburka badan sababay ee dalka Yemen.

Amiiir Faisal waxa uu sheegay in Riyadh ay sii wadi doonto inay Washington kala tashato heshiiska Nukliyeerka Iran. Mareykanka ayaa heshiiskaas oo la saxiixay 2015 ka baxay 2018.

“Waxaan aaminsannahay in wada-tashiyada ay ku qotomi doonaan in la gaaro heshiis xooggan oo adag, kaasi oo ay qeyb ka tahay guul-darrada Iran ee ah inay u hoggaansato heshiiska,” ayuu yiri Amiir Faisal.

Biden ayaa horey u sheegay in haddii Tehran ay dib u billowday inay si buuxda ugu hoggaansato heshiiska, ay Washington iyana sidaas oo kale sameyn doonto.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Safiirka Denmark ee Somaliya
Next articleDowladda Soomaaliya oo beenisay inay fasaxday jaadkii laga keeni jiray Kenya