Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Safiirka Denmark ee Somaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Safiirka Denmark ee Somaliya

0

Madaxweynaha  Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ku qaabilay Xafiiskiisa safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo gaaray Magaalada Hargeysa.

Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka a Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo taas oo ay soo jeediyeen inay qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka , kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuquraadiyadda iyo arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar.

Waxaanu safiirku xusay inay ka dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay horeba ugaga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka socda.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxwweynaha Somaliland, dawladda Denmark uga mahadnaqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la barbartaagan tahay marwalba, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) loo soo gaabiyo oo ay dawladda Denmark qayb weyn ku leedahay kaalmada ay midowga yurub isugu geeyeen sanduuqaasi. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Denmark inay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis ka shaqeeya danaha labada dal.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Puntland oo Shir ka furay Magaalada Garoowe
Next articleSacuudiga oo ka hadlay Maamulka Cusub ee Mareykanka iyo Waxa ay ka filayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here