Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Durbaba Wajahaysa Dhaqaalo Xumo Xoogan.

Dowlada Soomaaliya oo Durbaba Wajahaysa Dhaqaalo Xumo Xoogan.

0

Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan khubaro Soomaali iyo ajaanib ah ayaa ugu baaqay dawladda cusub ee Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin deg deg ah oo la xiriira dakhliga iyo misaaniyadda dawladda iyo weliba qandaraasyada.

Guddigu waxay sheegeen in dib u dhicii ku yimid doorashada iyo xilliga kala-guurka ah oo dheeraaday ay carqaladeeyeen kabkii miisaaniyadeed ee beesha caalamku siin jirtay Soomaaliya.

Warbixin uu guddigu soo saaray ayaa saldhig looga dhigay digniintaan, waxayan xubnaha guddigaasi ka kooban yihiin wasiirka maaliyadda, wakiillo kala metelaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo wakiillo ka socda hey’adda IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub.

Wuxuu guddigaani ka digayaa in dowladda cusub ay ku adkaa doonto bixinta musharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda, xilli ay dhawaan hey’adda IMF seddax bilood ku kordhisay bixinta kharash ay ku kabto miisaaniyadda Soomaaliya oo gaaraya $400 oo milyan, si dowladda cusub ay fursad ugu hesho dhameystirka nidaamka maaliyadeed.

Warbixintaan waxaa lagu iftiimiyey in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh looga baahan yahay in deg deg ay heshiis ula gasho hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo ka Heshiiyay Khilaafka ka dhex jiray
Next articleCiidamada Dowladda oo Muqdisho ku qabtay dad dhacgaysanaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here