Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku qabtay dad dhacgaysanaayay

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Booliiska ayaa howlgallo lagu soo qabtay burcad dhac u geysatay Dad rayid ah ka sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Shacabka kunool degmooyinkaas ayaa Ciidanka Booliiska u gudbiyay cabasho ka dhan ah Kooxo hubeysan oo Habeen iyo maalin dhac u geysta, Hay’adaha ammaanka xaafado kamid ah Yaaqshiid iyo Kaaraan kusoo qabtay Dad ku eedeysan in ay Shacab furanayeen.

Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad alla ayaa Warbaahinta u sheegay in koox dhalinyaro ah oo mid kamid ah ay tahay Haweeney oo baaris dheeraad ah lagu wado.

Waxa uu intaas ku daray in howlgalka inta uu socday lagula dagaalamayay Dhalinyarada loo yaqaan “Ciyaar weerarada” oo degmooyinkaas dhibaatooyin xooggan ka geysta, cabashadoodana la geeyay saldhigyada Booliiska.