Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyaddii doorashada dadban , isagoo uga mahadcelyay sidii wanaagsanayd ee ay u gudteen Waajibaadkoodii.
Rooble ayaa qoraalkiisa ku sheegay in kuraasta guddigu horey u hakiyey ay doorashadooda qaban doonaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyagoo raacaya habraacyadii doorashooyinka xubnaha labada aqal
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili warar soo baxay ay sheegayaan in Guddiga doorashada FEIT qorsheynayo inuu saacadaha soo socdo uu fasaxo Kursiga HOP086 oo horay doorashadiisa u hakiyay, kaasoo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee NISA.
Wararka ayaa sheegaya iney heer gebobebo ah marayaan wadahadalo u socday labadii maalmood ee la soo dhaafay xubno ka tirsan Guddiga iyo Ergo ka socotay Fahad Yaasiin, iyadoo talaabada Rooble uu ku kala diray guddiyadan ay dhabarjab ku tahay dedaalkii lagu fasixi lahaa Kursiga Fahad Yaasiin.