Home Wararka Maanta Taliyaha cusub ee NISA oo Xilka La Wareegay

Taliyaha cusub ee NISA oo Xilka La Wareegay

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, taasoo ka dhacday xarunta hay’addaas ee magaalada Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa xilka kala wareegay taliyihii KMG ahaa ee NISA Yaasiin Farey oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada cusub ee golaha Shacabka.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad uu lumiyey kursigii Xildhibaanimo ee golaha Shacabka sida uu qorayo dastuurka KMG ah ee dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor kulan  yeeshay ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ah mid ka mid ah heyadaha ugu waawayn uguna muhiimsan laamaha ammaanka dalka.

Ad
Previous articleMaxaa ka jira In Kursiga HOP86 ee Fahad yasiin ku Gulaystay La Fasaxaayo(Xog)
Next articleDeg Deg: P.M Rooble oo Cawa Kala Diray Guddigi Doorashooyinka iyo Fahad oo Dharbaaxo kale Ku dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here