Waxaa Xalay Saqdii Dhexe Ciidamada Federaalka iyo kuwa Galmudug isku soo dhiibay koox horjoogayaal ah oo uu hoggaaminayay Cabdulaahi Cabdi Raage oo kamid ahaa xubnaha sare ee Kooxda la baxday Ahlusunna, dhamaan hubkii ay wateen waxaa la wareegay laamaha amniga.
Waxaa sidoo kale socda qorshe socda oo ay isku soo dhiibi rabaan tiro kale oo iminka lagu howlan yahay, qorsheynta habkii hubka looga dhigi lahaa.
Gaadiidka Ahlusuna Qeybo kamid ah oo Qoryihii laga furtat ayey la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Deegaanka Qalaanqalle oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka Tirsanaa ASWJ ayaa ka dhego adeegay in ay baabuurta dhiibaan laakiin 30 daqiiqo xabbad socotay ayaa lagu guulaystay in nolosha lagu qabto.
Sidoo kale Baabuurtii waxaa la wareegay ciidanka dowladda.
Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo
Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay