Home Wararka Caalamka Weriyihii Aljazeera ee Daanta Galbeed Shariin Abu Caqiil oo la Dilay Xili...

Weriyihii Aljazeera ee Daanta Galbeed Shariin Abu Caqiil oo la Dilay Xili War Toos ah Tabinaysay

0

Weriye ka tirsan Aljazeera ayaa waxaa diley ciidamada Israa’iil oo rasaas ku furey Daanta Galbeed, sida ay sheegtay warbaahinta Aljazeera ee Qatar fadhigeedu yahay.

Waxaa sidoo kale warkan xaqiijiyay wasaaradda caafimaadka maamulka Falastiiniyiinta.

Shariin Abuu Caqiil oo muddo dheer wararka kasoo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa saakay si toos ah u tabinaysay iska hor imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaasi, waxaana la sheegay in ay rasaas kaga dhacday madaxa.

Waa weriye aad looga yaqaano Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyayaasha ugu saamaynta badan laanta Carabiga ee Aljazeer, waxayna halkaas ka shaqaynaysay muddo 15 sano ah.

Sida ay tabisay Aljazeera, wasiiradda arrimaha dibedda Qatar ayaa falka Israa’iil ku tilmaamtay fal argagixiso oo uu qaran maalgalinayo.

Ad
Previous articlewiilka Muzavani uu Qorsheeynayo inuu afgembinta aabihiis?.
Next articleHadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha 10aad ee soomaaliya oo Goordhow Bilaabanaysa iyo Wararki ugu Danbeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here