Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa goor dhow loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia.
Shiikh Shariif oo kursiga loo xiray ayaa doorasho ka dhacday magaalada Jowhar waxaa uu ku soo baxay kursiga HOP 146 oo uu horey ugu fadhiyey wasiirka amniga Somalia C/llaahi Maxamed Nuur
Sharif Shiikh Ahmed oo saaka gaaray Jowhar ayaa ku guuleystay kursiga markii uu tanaasulay Sheriif Abukar Ahmed oo malxiis ahaa.
Shariif Sheekh Axmed ayaa 101 Ergo ay ugu codeeyeen cod gacan taag ah sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle.
Ad