Home Wararka Maanta khadiija Diiriye oo iskusoo Sharaxday Booskii Fahad Yaasiin U tartami lahaa

khadiija Diiriye oo iskusoo Sharaxday Booskii Fahad Yaasiin U tartami lahaa

0

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay inay tahay murashax u taagan kuriga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Kursiga xildhibaanad Khadiija ay ku dhawaaqday inay u tartameyso ayaa waxa la rumeysan yahay inuu yahay midka uu sida aadka ah u doonayo Fahad Yaasiin oo weli aanu helin shahaadada xildhibaannimo.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay soo saartay boggeeda Facebook waxay ku shaacisay murashaxnimadeeda, iyadoo tiri “Kadib markaan talo soo jeedinta saaxiibadeeyda siyaasadda aan ku tolloownay anigoo dareensan in hore loo dhaqaajiyay doorashada golaha shacabka BJFS waxaa lacaga bilaabo caawo soo bandhigayaa murashaxnimadayda guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka 11-aad”.

Khadiija iyo Fahad Yaasiin ayaa aad isugu dhow, waxaana la ogeyn in tallaabada ay ku shaacisay murashaxnimadeeda inay tahay siyaasad iyo in Fahad ka quustay inuu helo kursiga laga hakiyey, sidaasi darteedna uu u arkay in Khadiija Maxamed Diiriye booskii uu banneeyay inay buuxiso.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa caan ku ah is rog-rogga siyaasadeed waana sababta keentay inay shan jeer soo gasho baarlamaanka, iyadoo xiligaan ay ka mid tahay taageerayaasha Villa Somalia.

Doorashadii baarlamaanka 11-aad ayey sidoo kale waxay ka mid aheyd murashaxiintii aadka loogu saadaalinayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyadoo cododkii ay heshay ugu shubtay Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDiiwaan Galinta Musharixiinta U Tartamaysa Gudoomiyaasha Labada Aqal oo Maantay Bilaabanaysa
Next articleMaxakamada Sare oo saakay U fariisatay Kiiska Dacwadii Fahad Yaasiin