Home Wararka Somaliya Jubbaland Deg deg 16kii kursinee Garbahareey oo la wareejiyay

Deg deg 16kii kursinee Garbahareey oo la wareejiyay

0

Guddiga doorashada heer federaal ayaa goordhaw go’aan rasmi ah ka gaaray doorashada 16-ka kursi oo horey loo shaaciyay in lagu qabanayo magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyay in xilligan suurto gal aheyn in doorashada 16-ka kursi lagu qabto magaalada Garbahaarey, waxa ayna guddiga ku dhawaaqeen in doorashada 16-ka kursi ka dhaceyso degmada Ceel-waaq.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in maamulka Garbahaarey diideen in guddiga dooarshada tagaan magaalada Garbahaarey, waxa ay sidoo kale guddiga sheegeen in caqabado amni ka jirto magaalada Garbahaarey.

Degmada Ceel-Waaq ee loo wareejiyay doorashada 16-ka kursi ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka Jubbaland iyo ciidamada dalka Kenya ee qeyta ka ah AMISOM, waxaana doorashada kuraastaasi maamuli doona Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ad
Previous articleLabad aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Gudoon KMG loo sameeyay (Sawiro)
Next articleP.M Rooble oo ka Hadlay 16kii kursi ee Garbahaarey ee La wareejiyay Maantay