Home Wararka Maanta Ciidan ka tirsan Somaliya oo Gudiha u galay Dalka Itoobiya Sida ay...

Ciidan ka tirsan Somaliya oo Gudiha u galay Dalka Itoobiya Sida ay Xaqiijiyiin Maamulka Deegaanka Somalida

0

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,  ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in ciidamo ay tababartay dowladda federaalka Soomaaliya ay galeen gudaha Itoobiya, kuwaas oo hadda la marinayo hannaan rasmi ah oo labada dal u dhaxeeya.

Hoggaanka nabadgalyada deegaanka  Cabdulqaadir Rashid Duaale,  ayaa sheegay in ciidamadan ay dhowaan gaareen Jigjiga, kaddib markii ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuu sheegay in ciidamada loo kala diray koox-koox, isla markaana lagu sugayo habraacyada iyo heshiisyada labada dal.

Wuxuu sheegay in ciidamadu aysan si rasmi ah ugu soo gudbin Itoobiya hannaan cad oo lagu xaqiijiyey ujeeddada safarkooda, balse hadda la wado dadaallo lagu waafajinayo shuruucda iyo habraacyada labada dal.

Sida uu sheegay, kiiskan ciidankan waxaa gacanta ku haya hay’adaha sharciga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo heli lahaa xal rasmi ah.

Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in shacabka lala wadaagi doono wararka la xaqiijiyey iyo xogaha rasmiga ah ee arrintan ku saabsan, isaga oo ka digay faafinta warar aan la hubin oo abuuri kara jahawareer.

Ciidamadan ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana hadda la geeyey magaalada Diridhaba, sida ay sheegayaan xogaha la helayo.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen xaaladda ciidamada, iyadoo ay suuragal tahay in dib loogu celiyo Soomaaliya, laguna qaado diyaarado.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaa kumanaan askari oo sanadkan lagu tababaray gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay la dagaalamayaan kooxda Alshabaab.

Markii tababarka loosoo xiray boqolaal kamid ah ciidankan ayaa u goosay dalka Ethiopia, iyadoo la sheegay inay la goosteen qoryo dowladdu ku hubaysay markii la tababaray.

Ad