Home Wararka Maanta P.M Rooble oo ka Hadlay 16kii kursi ee Garbahaarey ee La wareejiyay...

P.M Rooble oo ka Hadlay 16kii kursi ee Garbahaarey ee La wareejiyay Maantay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal goordhaw uu soo saaray waxa uu kusoo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashada heer federaal deegaan doorashada uga wareejiyeen magaalada Garbahaarey.

Qoraalka kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa lagu boggaadiyay go’aanka guddiga doorashada maanta kasoo baxay ee degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo loogu wareejiyay dooarshada 16-kursi ee Gedo taala.

”Ra’isul Wasaaraha isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada lahaad ee Jubaland.” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

Ra’iisul Wasaar Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku booriyay Guddiga  doorashada heer Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman ee doorashadooda loo wareejiyay Ceel-Waaq.

Ad
Previous articleDeg deg 16kii kursinee Garbahareey oo la wareejiyay
Next articleAxmed Madoobe oo War kasoo Saaray Kuraasta laga Wareejiyay Garbahaareey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here