Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe : 16 ka kursi ee Gedo oon soo bixin doorasho...

Axmed Madoobe : 16 ka kursi ee Gedo oon soo bixin doorasho ma jirto

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay la hadlayay xildhibaanada labada aqal ee federaalka ee dhowaan lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay in inta ay maqanyihiin kuraasta 16-ka ah ee loo asteeyay in lagu doorto magaalada Garbahaarey.

Axmed ayaa sheegay in uu doonayo in kuraastaasi doorashadooda ay u dhacdo qaab caddaalad ah oo tartan furan ah, ciddii rabtana ay isu soo sharaxdo, beesha caalamkana ay goobjoog ka noqoto.

Waxa kale oo uu sheegay in uusan ogoleyn qorshe beesha caalamka ay usoo jeedisay oo ahaa in kuraasta la kala qeybsado.

Ad
Previous articleSaddex arrimood oo ku khasbi karta NATO inay ku biirto dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Next articleDhawaaqa seeriga ka digaya duqeymaha ayaa Saakay Markale laga maqlayaa Kyiv.