Home Wararka Caalamka Saddex arrimood oo ku khasbi karta NATO inay ku biirto dagaalka Ruushka...

Saddex arrimood oo ku khasbi karta NATO inay ku biirto dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

0

Haddaba dagaalka Ukraine iyo Ruushka ma isku baddali doono mid ku baaha Yurub oo ay Nato kusoo biirto?

Waxaa jiraa waxyaabo dhowr ah oo ka dhax guuxayo maskaxda wasiirada gaashaandhigga ee reer galbeedka oo ku saabsan dagaalkan.

Waxaana kamid saddexdan qodob:

1. Gantaalka lidka maraakiibta ay Nato siisay Ukraine isla markaana ay ganeen ciidamada Ukraine ayaa ku dhacay Odesa kaas oo la dagay markab dagaal uu Ruushka leeyahay xilli uu marayay badda madow, waxaana ku dhintay ku dhawaad 100 badmaaxiin ah iyo tiro kamid ah ciidamada badda, khasaaraha intaa la’eg wuxuu ka dhashay hal gantaal, Putin ayaana cadaadis lagu saari doonaa in uu jawaab ka bixiyo.

2. Gantaallada Ruushka ayaa ku habsaday kolonyo baabuur ah oo siday saanad militeri kaas oo ka soo gudbayay waddan Nato ah, sida Poland ama Slovakia, kuna wajahnaa Ukraine. Haddii uu khasaare kasoo gaaro dhinaca Nato, taas oo horseedeysaa in dhammaan dalalka Nato ay difaacaan dalka la weeraray sida uu dhigayo qodobka 5-aad ee xeerka gaashaanbuurta Nato.

3. Xilli uu dagaal ba’an ka socdo gobolka Donbas, wuxuu qarax ka dhacay warshad ku taalla halkaas, waxaana ka dhashay in suntii kimikada ah ay meelo qabsatay, wax dhimasho ah lagama soo tebin dhacdadaas, Laakin haddii khasaare uu dhalan lahaa sida dhibaatadii lagu arkay isticmaalka gaaska sunta ah ee Suuriya ee Ghouta iyo haddii la ogaado in ay si ula kac ah u geysteen ciidamada Ruushka, markaas Nato waxa ay ku qasbanaan lahayd in ay ka jawaabto.

Waxaa macquul ah in mid ka mid ah xaaladahaas aysan dhicin.

Laakin in kasta oo waddamada reer galbeedku ay soo bandhigeen midnimo naadir ah oo oo ka dhan ah duulaanka Ruushka ee Ukraine laakin waxaa jiraa talooyin ah inay ka falceliyaan arrinta balse ay ka fakarin halka ay wax ku dambeyn doonaan.

Ad
Previous articleDarawalkii Waday Baabur ay Qaraxyo Ku Soo Rareen Alshabaab oo Dhuusamareeb lagu Dilay
Next articleAxmed Madoobe : 16 ka kursi ee Gedo oon soo bixin doorasho ma jirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here