Home Wararka Caalamka Dhawaaqa seeriga ka digaya duqeymaha ayaa Saakay Markale laga maqlayaa Kyiv.

Dhawaaqa seeriga ka digaya duqeymaha ayaa Saakay Markale laga maqlayaa Kyiv.

0

Magaalada Kyiv – iyo goob kale oo ak tirsan dalka Ukraine ayaa waxaa saaka mar kale laga maqlay dhawaqa seeriga digniinta weerarada dhanka cirka.

Waxaa sidoo kale dhawaqa seerigaasi laga maqlay gobolada kale ee Lviv, Kyiv, Dnipro, iyo Zaporizhzha, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo madaxweynaha Ukraine Zelensky uu uga digay muwaadiniintiisa inay u diyaargaroobaan ” hawlgallo waaweyn oo uu Ruushku ka sameeyo gobalada bariga dalka”.

Dhanka kale tirada dadka ku dhintay gantaalkii lagu weeraray xarunta tareenada oo ku taalla magaalada Kramatorsk ayaa gaartay 57 qof sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa u sheegay telefishinka qaranka in “Ukraine ay diyaar u tahay dagaallo waaweyn” oo ka dhan ah Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray in Ukraine ay ku qasban tahay inay dib u riixdo ciidamada Moscow ee ku sugan bariga Donbas, halkaas oo Moscow ay maamusho laba gobol oo gooni u goosad ah.

Dhanka kale iyadoo ciidamada Ruushka ay dib ugu gurteen bariga Ukrain, ayaa waxaa soo shaac baxay cabsi laga qabo tuulooyinkii ay ka baxeen.

Ilaa 1,000 qof ayaa ku noolaa Andriivka, oo 60km u jirta caasimadda Kviv.

 

Ugu yaraan 40 ka mid ah dadka magaaladaasi ku noolaa ayay wararku sheegayaan in la dilay.

Anton Ischenko ayaa dhawaan u dabaal degay dhalashadiisa 23aad markii ay ciidamada Ruushka ay ka soo kaxeysteen qori caaradiisa gurigiisa oo ku yaala Andriivka.

Qoyskiisa ayaa helay meydkiisa bil kadib markii ciidamada Ruushka laga saaray halkaasi. Si xun ayaa loo googooyey jirkiisa waxaana meedkiisa lagu gartay oo kali ah dharkiisa.

“Markii uu ninkeygu u sheegay Ruushka, ‘badalka wiilkeyga aniga i kaxeysta ,’ waxay ku soo fiiqeen qoriga oo ay ku dheheen, “gurigaaga taga – haddii kale waannu idin kaxaysan doonnaa labadinaba.”

Tuulada Andriivka waxaa hareeyay dagaal iyo duqeymo ay geysanayeen Ruushka.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe : 16 ka kursi ee Gedo oon soo bixin doorasho ma jirto
Next articleDagaal Culus oo Ka Dhacay Degmada Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here