Kooxo hubeesan ayaa saakay magaalada Muqdisho ku dilay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xasan Shiino, waxaana ninkan la dilay xilli la sheegay in uu kasoo laabtay masjid uu salaada subax kusoo dukaday.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in kooxda hubeesan dhoor xabad ku dhuftay kadibna goobta uga dhaqaaqeen, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oon ku guuleesan soo qabashada kuwii dilka geestay.
Ninkan odayga ah ee la dilay ayaa dadka deegaanka sheegeen in uusan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan ee dalka ka jira, waxa ayna tilmaameen in uu ahaa nin dalaal ah, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkan.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay dilalka loo geesanayo dadka shacabka iyo sidoo kale dadka u shaqeeya dowladda.

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad