Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobay oo Ku Dhawaaqday in Dagaalka Ukrain ka dhalatay Musiibo Caalami...

Qaramada Midoobay oo Ku Dhawaaqday in Dagaalka Ukrain ka dhalatay Musiibo Caalami ah

0

Madaxa hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii ka digay in dagaalka ka socda Ukraine uu abuuray waxa uu ugu yeereay “masiibo ka kor dhalatay masiibo kale”, taas oo uu ku sheegay inay yeelan doontaa saameyn caalami ah, oo aan la arag kadib dagaalkii labaad ee Adduunka.

David Beasley, ayaa sababta raashinka adduunku u qaaliyoobay ku sheegay inay tahay in beeraleyda Ukraine oo soo saari jiray inta badan wax soo saarka beeraha ay hadda dagaal kula jiraan Ruushka, wuxuuna u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dagaalka kahor qiimaha cunnada uu sare u kacay.

Barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa quudinaysay 125 milyan oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool kahor intii aanu Ruushku duullaan ku qaadin Ukraine 24-kii February, waxaana Beasley uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku qasbanaatay in ay jarto cuntada ay bixiso sababo la xiriira kor u kaca kharashka cuntada, shidaalka iyo maraakiibta.

Waxa uu tilmaamay in Yemen oo ay dagaalladu aafeeyeen in cuntada laga jaray 50% oo ka mid ah 8 milyan oo qof oo y quudin jireen, wuxuuna intaas ku daray in keydkooda raashinka uu sagxadda ku dhow yahay.

Beasley wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Ukraine uu u beddelayo dambiisha rootiga ee adduunka safar loogu jiro rootiga oo ay malaayiinta qofood ku tiirisan yihiin, iyadoo dagaalkan uu burburiyay waddamo ay ka mid yihiin Masar oo 85% qamadiga ka heli jirtay Ukraine iyo Lubnaan oo iyana ha heli jirtay 81%.

Ukraine iyo Ruushka ayaa soo saara 30% sarreenka adduunka iyo 20% galleydeeda, iyada oo Hay’adda Cunnada Adduunka ay 50% galleyda ka iibsato Ukraine, sida uu sheegay David Beasley.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleGudoomiye Cabdullahi Xasan Gaduudow oo Qarax Culus Ka Badbaaday iyo Wiilkiisa….
Next articleKenya oo ku Guul Daraysatay inay Shidaal ka Soosaarto Xeebta Lamu Basin