Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye Cabdullahi Xasan Gaduudow oo Qarax Culus Ka Badbaaday iyo Wiilkiisa….

Gudoomiye Cabdullahi Xasan Gaduudow oo Qarax Culus Ka Badbaaday iyo Wiilkiisa….

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay caweyskii ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu aasay afaafka hore ee hoyga Gudoomiye ku-xigeenka Dhinaca Amniga ee Degmada Wanlaweyn, Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Gaduudow).

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay wiil uu dhalay Gudoomiye ku-xigeenka, halka Gudoomiye ku-xigeenka iyo askari ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Gudoomiye Degmada Wanlaweyn, Ismaaciil Abuukar Maxamed ayaa sheegay in xaaladda Gudoomiye ku-xigeenka ay tahay mid degan, dhaawaciisana lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee degmadaasi.

“Gaduudow aad ayuu u fiican yahay, wax dhib ah ma qabo, xaaladiisana way degan tahay. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ururka 64aad ayaa u gurmaday, haddana Isbitaalka Degmada Wanlaweyn ayuu ku sugan yahay,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Xaaladda Degmada Wanlaweyn aad ayay u degan tahay, waa la is dhex marayaa, wax dhib ahna kama jiraan.”

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in uu socdo baaritaan la xiriira qaraxaasi, wixii faah faahin ahna ay dib kala soo wadaagi doonaan Warbaahinta.

“Hadda baaritaan ayaa socdo oo ku aaddan waxa uu qaraxa ahaa iyo ciddii ka dambeysay, marka uu baaritaanka dhammaado ayaan dib ka soo sheegi doonnaa wixii faah faahin ah,” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xiriirinayaa maleeshiyada Al-Shabaab

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Ruushka iyo Ciidamada Ukrain oo Guulo soo Hooyay(Sawiro)
Next articleQaramada Midoobay oo Ku Dhawaaqday in Dagaalka Ukrain ka dhalatay Musiibo Caalami ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here