Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad yaasiin oo Dacwad Caalami ah laga Gudbiyay

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad yaasiin oo Dacwad Caalami ah laga Gudbiyay

0

Sargaal horey uga tirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo saraakiil kale oo katirsan Nabad Sugida u gudbiyay maxkamadda ICC.

Cabdullahi Maxamed Cali (Cabdullaahi Nasri) oo muddo u xirnaa ciidanka Nabad sugida Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in dacwad ka gudbiyay Farmaajo iyo saraakiil kale oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida.

Waxa uu sheegay sargaalkan in xubnahan uu dacwada ka gudbiyay dhibaatooyin xanuun badan u geesteen intii uu ku xirnaa xabsi Nabad sugida maamusho, waxa uuna cadeeyay in uu kiiska dacwadiisa u gudbiyay maxkamada caalamiga ee ICC.

Cabdullaahi Nasri ayaa xubnaha uu dacwada ka gudbiyay ku sheegay in ay kamid yihiin Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kullane, Yaasiin Farey, Cabdiraxmaan Dheere, Ibraahim Macalin iyo Axmed Carab.

Sargaalkan ayaa sheegay in safaarado kuyaala magaalada Nairobi tagay ayna u ballan qaadeen in ay gacan ku siinayaan dacwada uu ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo iyo saraakiisha kale ee katirsan Nabad Sugida Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne QoorQoor oo Maantay Xariga Ka Jaray Wasaarad Cusub oo Dhawaan la Dhisay(Sawiro)
Next articleP.M Rooble iyo Axmed Madoobe oo Go,aan Culus Ka Qaatay 16kii Kursi ee Garbahaareey