Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war ay soo saartey ku taageertey go’aanka guddiga doorashada heer federaal.
Warka Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyey xubnaha xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 14-ka bisha April.
Guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya, ayaa xaley soo saarey bayaan qeexaya jadwalka dhameystirka doorashada Soomaaliya.
“Waxaan rajaynaynaa inaan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib marka la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon” aya lagu yiri qoraal lagu daabacaya barta Twitterka ee safaarada
Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Hadalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xili qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay ka soo horjeesteen jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka.