Home Wararka Somaliya Jubbaland Golaha Wasiirada Jubaland oo Ku dhawaaqay Halka Lagu Qabanaayo 16ka Kursi ee...

Golaha Wasiirada Jubaland oo Ku dhawaaqay Halka Lagu Qabanaayo 16ka Kursi ee Garbahareey Taalay

0

Axmed Madoobe oo Gollihisa Wasiirada u xaqiijiyay in doorashada 16ka kursi ee deegan doorashada 2aad ee Jubaland ka dhaceyso degmada Ceelwaaq.

In kasto aaysan dhicin kulan guud oo Gollaha Wasiirada Jubaland aay yeeshen , hadana tiro Wasiiro oo u tageen Axmed Sheikh Maxamed Islaam aya waxa uu u sheegay in Garbaharey aaysan ka qabsoomi karin doorasho , Kismaayana surta-gal aheyn sidaad darteedna Ceelwaaq noqon doonto deegan doorashada labaad ee Jubaland.

Xogta aya tilmaameyso in Axmed Madoobe uu Ceelwaaq u diri doono maalinimada barito siyaasiyinta iyo cuqaal kaso jeedan Beelaha Uurmidig iyo Garre oo ah labada beel ee ugu tunka weyn Ceelwaaq.

Geesta kale Axmed aya la sheegay in Wasiirada u tageen uu u sheegay in marki Ceelwaaq doorashada aay ku qabsadan , 16ka Xildhibaan ee halkaas lagu doortay uu shahaadada siin doono Guddomiyaha Guddiga Doorashada FEIT Muuse Geele Yuusuf oo dhanka Madoobe iyo Deni taagersan.

Ad
Previous articleWiil soomaaliyeed oo Walaalkios ku Dilay Dalka Maraykanka
Next articleMaraykanka oo Taageeray Gudiga Doorashooyinka Kana Horyimid Go’aan kasoo Baxay QoorQoor iyo Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here