Sarkaal u hadlay ciidamada Booliska ayaa sheegay inay soo qabteen rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weeraro lagu qaaday qaar ka mid ah saldhigyada booliska magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifatax Aadan Xasan ayaa saxaafada u sheegay in la soo qabtay illaa toddobo ruux oo loo haysto inay ka dambeeyeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyin oo lagu qaaday Saldhigyada Boliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere.
Waxa uu afhayeenku sheegay in raggan la soo taagi doono cadaalada ayna socoto baaritaano la xiriira dambiyada ay galeen.
Wa arin Ku Cusub Magaalada Miqdishu in Maalin Cad la Weeraro saldhigyo ay Ku Suganyihiin Ciidamo waxaan Faraha Kasii Baxaya Amniga Magaalada Miqdisho Maalmihii U Danbeeyey.
Asbuucii lasoo Dhaafay ayay Alshabaab Weerareen Xili Habeen ah Degmooyin ka Tirsan Magaaalada Muqdisho Taas oo aan Mudo Sanada ah la arag Weeraro ka dhaca Muqdisho.