Home Wararka Maanta Sarkaal sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab iyo 60 kale oo la Dilay(Sawiro)

Sarkaal sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab iyo 60 kale oo la Dilay(Sawiro)

0

Guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandoska Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degaanada Fiidow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burco-dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan waxay sheegeen iney dileen in ka badan 60 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayna gubeen xarumo ay laheyd kooxdaas

G/lle Xasan Maxamed Cismaan (Tuure) oo ciidankan hogaaminayey ayaa sheegay  in sidoo kale Howlgalka lagu dilay Amiirkii Jabhadaha Hiiraan u qaabilsanaa Al-shabaab.

Waxaan sidoo kale burburinay xarumo Qaraxyada lagu farsameyn jiray iyo goobo ay argagixisada ku qaadan jireen lacago Baad ah” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray iney sii socon doonaan howlgalada tan iyo inta ay dalka oo dhan ka ciribtirayaan Al-Shabaab sida uu yiri.

Ad
Previous articleLix Degmo oo Maka mid ah Degmooyinka Muqdishu oo Mar Qur ah La Weeraray Xili Duhur ah iyo Ragii Weerar oo lasoo Qabtay
Next articleVilla Soomaaliya oo Guul Daro Wayn kala Kulantay kala Qaybinta Gudiga Doorashooyinka oo ilaa Shalay ku Howlanayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here