Ra’iisul wasaare Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidanka ee la kulmay iyadoo la cambaareeyey weerarkii Al Shabaab xalay kusoo qaadeen caasimada Muqdisho.
Waxa la isku afgartay in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab xilli arimaha doorashada ay socdaan laga hortego in shacabka la qal qal geliyo.
Wasiir C/llaahi Maxamed Nuur oo shirka kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay qaateen saraakiisha kulanka ku sugneyd R/wasaare Rooble amarka uu bixiyey.
Shirkaasi waxaan ka qeyb gelin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir kuxigeenkiisa Amniga iyo siyaasada Cali yare cali oo arimaha Amniga Caasimada isaga madax u ah balse khilaafka kala dhaxeeya Xukuumada ayaana uu goob joog unoqon kulankaasi.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay