Home Wararka Maanta Alshabaab oo Digniin Culus u Diray Shacabka ku nool Mudisho

Alshabaab oo Digniin Culus u Diray Shacabka ku nool Mudisho

0

Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Muuse Cabdi Carraale ayaa sheegay iney bilaabeen weeraro toos ah oo lagu qaadayo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Carraale oo horey u ahaa afhayeenka kooxdii Xisbul Islaam ee ku biirtay Al-shabaab oo la hadlayey warbaahinta Al-shabaab ayaa tilmaamay in weerarkii habeen ka hore lagu qaaday degmooyin ka tirsan Muqdisho ay hub iyo saanad badan kaga furteen Ciidamada dowladda.

“Al-shabaab hub iyo saanad ma soo iibsadaan balse ciidamada dowladda Federaalka ayey ka furtaan isla iyaga ayaana dib ugu weerarnaa” ayuu yiri

Carraale ayaa ku goodiyey inay maalmaha soo socda Muqdisho ku qaadi doonaan weerarro toos, isagoo shacabka ugu baaqay iney ka fogaadan goobaha iyo xarumaha ay joogaan ciidamada dowladda.

Ad
Previous articleDhageyso: Cali Yare Cali oo laga reebay Shirka Amniga ee Saraakiisha lala yeeshay
Next articleXildhibaano badan oo Maantay lagu doortay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here