Home Wararka Caalamka Meeydad Tahribayaal ah oo Barafoobay oo lasoo helay

Meeydad Tahribayaal ah oo Barafoobay oo lasoo helay

0

Turkiga ayaa sheegay inay meel u dhow xadka Giriiga ay ka heleen meydadka todobo qof oo tahriibayaal ah oo barafoobay.

Meydadkan ayaa la helay ka dib dadaalladii baadi goobka iyo samatabbixinta ee maamulka Turkiga ay wadeen kuwaasoo sidoo kale Arbacadii helay laba iyo toban meyd oo kale.

Turkiga ayaa ku eedeeyay ciidamada ilaalada xadka Giriiga inay dadka dib ugu soo riixayaan xuduudka ay wadaagaan.

Balse Wasiirka socdaalka Giriiga, Notis Mitarachi, ayaa ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo geerida dadkaasi dhintay ku tilmaamay mid murugo leh.

Waxa uu sheegay in aysan waligood gaarin xadka, waxaana uu intaa ku daray in Turkiga looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa dadka tahriibayaasha ah.

Ad
Previous articleMaamulka Koonfurgalbeed oo shaaciyay Jadwalka Doorashada Baraawe
Next articleMadaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisi oo Gaaray Adisababa