Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif sh Axmed iyo Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kale oo la socdey ayaa tacsi qaran ugu tagay qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Allaha u naxariistii Marxuum Cali Mahdi Maxamed.
Madaxda ayaa ka qeyb-galay kulan looga tashanayay aaska Marxuumka waxaana Goobta Tashiga ku sugnaa dhaqanka beesha Mudullood iyo siyaasiyiin kale.
Ugaaska iyo imaamka iyo sidoo kale Siyaasiin ka Tirsan Mudulood ayaa ku sugnaa Guriga Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo shalay geeriyooday.
Ad