Xeer-ilaaliye kuxigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ahna Xeer ilaaliyaha Maxkamada Qaybta 21-aad, G/Sare: Cabdulahi maxamed muuse (kayse) ayaa Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud ka daah-furay Xafiis ka mid ah laamaha Maxkamadu ku howlgali doonto.
Furitaanka Xafiiskan ayaa qayb ka ah dadaalada lagu daadajinayo garsoorka Ciidamada, si looga howlgalo dambiyada la xiriira kooxaha hubeysan ama ka dhex dhaca Ciidamada.
Masuuliyiin ka hadlay Furitaanka Xafiiskaan ayaa sheegay in Baahi weyn Loo qabay Xafiis Maxkamadeed iyo Adeega Garsoorka.
G/Sare: Cabdulahi maxamed muuse (kayse) ayaa ka sheegay Munaasabada Daahfurka in Xafiiskaan Loo Furay in Bulshada Degmada Caabudwaaq in ay Helaan Cadaalad
Ad