Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Akhriso:- Qodobo Saddex ah oo ugu Muhiimsan Shirk Xalane ka furmaya dhawaan

Akhriso:- Qodobo Saddex ah oo ugu Muhiimsan Shirk Xalane ka furmaya dhawaan

0

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda madaxa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu shir uga furmo magaalada Muqdisho, kaas oo qabsoomidiisa ay dadaal badan ku bixinayaan wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Safiirka Mareykanka iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay shirkan waxaa loo asteeyey inuu ka dhaco Teendhadii afar sano ka hor lagu doortay Madaxweyne Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana taas loo yeelayaa fulinta shuruudii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dal baday in shirka lagu qabto goob ay ammaankeeda isku aamini karaan.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa la sheegay inay Muqdisho imaanayaan inta lagu guda jiro todobaadkaan, waxayna wataan shuruudo cusub oo ay la imaa doonaan shirkaas.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysaa in shirkaas lagu soo koobo xaflad ay madaxdu ku kala saxiixanayaan qodobadii xalka looga gaaray khilaafka doorashada ee shirkii guddiyadii farsamada ee kala metelayey dhinacyada, kaas oo bishii hore ka dhacay magaalada Baydhaba ee K/Galbeed.

Hase yeeshee xogta aan helnay waxay sheegeysaa in heshiiskii Baydhaba kadib, ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni la yimaadeen seddax shuruudood oo cusub, kuwaas oo ay qorsheynayaan inay la yimaadaan shirka Muqdisho, waxayna kala yihiin.

1 –In Madaxweyne Farmaajo saxiixo Warqadda xil-gaarsiinta.

2 –In wixii sharciyad oo la ansixiyay 27-kii bishii December kadib, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka in laga laabto.

3 –In amniga  doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa hadda safar ugu maqan dalka Turkiga, waxaana la sheegay in ugu dambeyn ay dalka dib ugu soo laabanayaan Arbacada soo socota, si ay uga qeyb galaan shirka.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleSawiro:- Ciidanka gaarka ee Axmed Madoobe oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
Next articleWeerar Madaafiic ah oo Lagu weeraray Xerada Xalane