Home Wararka Somaliya Jubbaland 8 Xildhibaàn oo Maantay Lagu Doortay Ceelwaaq(Akhriso Magacyadooda)

8 Xildhibaàn oo Maantay Lagu Doortay Ceelwaaq(Akhriso Magacyadooda)

0

Guddiga Doorashada heer dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta bilaabay doorashada 16 xildhibaan oo dhowaan loo wareejiyey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddiga ayaa maanta qabtay doorashada 8 ka mid ah 16ka xildhibaan, waxaana ku soo baxay rag iyo Dumar ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Xukumada Somalia

1-Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa ay ka dhacdo degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Wasiirka waxbarashada DF Cabdullaahi Abukar Xaaji Carab iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim oo malxiis ahaa.

Cabdullaahi Abukar Xaaji Carab ayaa ku guuleystay kurrsiga HOP119 ka dib markii uu tanaasulay Musharax Xildhibaan Cabdicasiid Cabdullaahi Ibraahim

2-Sidoo kale, Musharax Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP065 kadib markii uu u tanaasulay Musharax Xildhibaan Aadan Ibraahim Isaaq oo ahaa musharixii la tartamayay.

3-Musharax Maxamed Aadan Macalin ayaa sidoo kale ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP090 markii uu tartanka ka harayXassan Cabdi Axmed ayaa ku tartamay.

4-Kursiga tirsigiisu yahay HOP102 oo kamid ahaa kuraastii taalay deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku soo baxay Cismaan Libaax Ibraahim oo ka guuleystay Mustaf Maanow Geedi.

5-Kursiga tirsigiisu yahay HOP087 ayaa waxaa ku soo baxay Aamino Xuseen Cali ka din markii tartanka ka baxday Faadumo Ibraahim Cali.

6-Mudane Faarax Macalin Bishaar ayaa sidoo kale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP216 markii uu tanaasulay Xassan Aadan Xassan

7-Sidoo kale Kursiga tirsigiisu yahay HOP116 oo ka mida kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhacday Degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ku soo baxday Duniyo Cismaan Yuusuf ka dib markii ay tanaasushay Xaawo Khaliif Dubad oo la tartameysay.

8-Cabdiqaadir Xuseen Cabdi ayaa kursiga sumadiisu tahay HOP091 ku guuleystay ka dib markii Cali Guurre Maxamed oo la tartamayey uu tanaasulay.

Dhamaan 8 kursi ee lagu doortay Ceelwaaq ma jirin kursi si furan loogu tartamay, waxaana loo xiray musharaxiinta hadda ku soo baxay oo qaarkood dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay saaka ka baxeen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA 8DA XILDHIBAAN EE CEELWAAQ LAGU DOORTAY

Ad
Previous articleMadaxweyne Axmed Madoobe oo Gaaray Ceelwaaq goob joogna u ah Doorashada Ceelwaaq
Next articleDeg Deg: Qarax iyo Weerar toos ah oo Lagu Qaaday Maqaayad Ku Taala Liido

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here