Qaar kamid ah Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka Ahlusunna oo dhaawac ah ayaa Ciidamadda dowladda kala baxeen Isbitaal ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
ila Muhiim ah ayaa Mudug24 u xaqeejiyay in Saraakiishaan lagala baxay isbitaalka iyadoo la dabiibayo.
Saraakiishaan ay Dowladdu la wareegtay ayaa kala ah Cali Faarax, Cali Xade iyo Maxamuud Tashade ayaa kamid ahaa Saraakiishii la qarameeyay xilligii Ahlusunna la midoowday Maamulka Galmudug, waxayna dib ugu laabteen Ahlusunna oo ay ka barbar dagaalamayeen.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya wili kama hadal sababta keentay in Qof bukaan ah isbitaalka lagala baxo.
Ad