Home Wararka Maanta Muwaadin Soomaaliyeed oo Goor dhaw shir gaari ku dhintay iyadoo Burcad ay...

Muwaadin Soomaaliyeed oo Goor dhaw shir gaari ku dhintay iyadoo Burcad ay ceersanayso

0
Muwaadin Soomaali ah oo shil Gaari Ku Geeriyooday Xilli ay Bursanaayeen Rag hubeysan oo Burcad ah Gobalka Eastern Cape oo ku yaalla Dalka Koonfur Afrika.
ALLAHA u Naxariistee Abdirahman Xasan oo ku magac dheeraa (Carab Xasan) ayaa gaari ku jiiray wadada R75 ee isku xirta Magaalooyinka Despatch iyo Port Elizabeth.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in muwaadinka geeriyooday uu ka cararay rag hubeysan oo rabay in ay dhacaan gaari uu lahaa oo noociisu ahaa Quantum waliba nooca panel van
“Inta aysan so gaarin burcada ayaa la sheegay in marxuumka uu gaariga wadada dhinaceeda ku baakimay kadibna wuxuu isku Dayay in wadada highway-ga uu ka gudbo hasa ahaate gaari ayaa ku yimid oo dilay/jiiray”
Geerida Carab, waxaa eheladiisa u xaqiijiyay darawalkii waday gaariga dilay ama jiiray marxuumka kaasi uu markii uu gaariga ku dhuftay joojiyay kadibna telephone-ka jeebkiisa ka so bixiyay wacay numbaradii ugu dambeeyay sidaasne uu ugu sheegay in qofka mobeilka lahaa uu gaari ku dhacay uuna geeriyooday.
Ad
Previous articleMasuuliyiin iyo shacab ayaa galkacyo uga qeyb-galay Banaanbax xoogan oo Alshabaab Looga soo Horjeedo {Sawiro}
Next articleAlshabaab oo soo Bandhigayay Sawirada Gaadiid ay ku qabsadeen Camaara (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here