Home Wararka Maanta Alshabaab oo soo Bandhigayay Sawirada Gaadiid ay ku qabsadeen Camaara (Sawiro)

Alshabaab oo soo Bandhigayay Sawirada Gaadiid ay ku qabsadeen Camaara (Sawiro)

0

Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen weerarkii arroornimadii shalay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin Magaalada Camaara ee koonfurta Gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qabsadeen 18 gaari oo ay ku jiraan gaadiid nooca xamuulka iyo kuwo casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo saanado ciidan oo taalay Saldhiga Ciidamada.

Sidoo kale Shabaabka ayaa tilmaamay in dagaalkii ka dhacay Magaalada Camaara ee Mudug ku dileen 35 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada, kadib weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin oo ay ku qaadeen halkaas.

Ad
Previous articleMuwaadin Soomaaliyeed oo Goor dhaw shir gaari ku dhintay iyadoo Burcad ay ceersanayso
Next articleTaliban oo war kasoo saartay joogitaanka Turkiga ee Afganistan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here