Home Wararka Somaliya Kooxda Taalibaan oo La wareegay Madaxtooyada Afgaanistaan

Kooxda Taalibaan oo La wareegay Madaxtooyada Afgaanistaan

0

Kooxda Taalibaan ayaa sheeganeysa in ay la wareegeen madaxtooyada dalka Afghanistaan ee ku taalla caasimadda Kabul.

Teleshinka Aljaziira ayaa sidoo kale Baahiyay Muuqaalada Xubna sar sare oo ka Tirsan Kooxda Taalibaan oo Ku sugan Gudaha Madaxtooyada wadankaas

Madaxweyne Ghani ayaa saacado kahor ka tagay dalka, balse waxaan weli caddeyn xaaladda rasmiga ah ee aqalka laga xukumo dalkaas.

Sida laga soo xigtay wariye gudaha ku sugan oo lagu magacaabo, Bilal Sarwary oo la hadlay laba qof oo reer Afgaanistaan ah oo ku hawlan wadaxaajood toos ah, ayaa sheegaya in heshiiska uu qayb ka ahaa in Ghani uu ku biiri lahaa xafladda xil wareejinta awoodda oo ka dhici lahayd qasriga madaxtooyada, balse taa beddelkeeda isaga iyo kaaliyayaashiisii sare ay dalka isaga baxeen.

‘‘Shaqaalaha qasriga ayaa markaa la sheegay in lagu wargeliyay in ay madaxtooyada isaga baxaan, qasrigana uu”, kaaliyayaasha ayaa sidaas yiri.Taalibaaniyiintu ayaa kadib wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ay la wareegeen madaxtooyada.

Ad
Previous articleC/rashiid Janan oo Muqdisho uga dhawaaqay inuu Musharax Xildhibaan
Next articleDowladda Soomaaliya oo La wareegtay Gaadiid Nuuca Dagaalka ah (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here