Wasiir dowlaha amniga Guddaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Dhuusamareeb Mudane geeda qoroow, iyo Masuuliyiin ka Tirsan Galmudug oo xildhibaano iyo Wasiiro ka kooban.
Wasiir dowladaha Wasaaradda arimaha Gudaha Soomaaliya Farxaan Cali Axmed ahna musharax Xildhibaan, kursiga sumadiisu tahay #Hop139 ayaa la hadlay Bulshadii Maanta soo dhaweysay waxuuna u mahad-caliyay dadkii soo dhaweyntiisa qeyb ka qaatay
Ad