Home Wararka Somaliya Daqiiqado ka dib Doorashada xubnaha aqalka sare oo dhuusamareeb ka Bilaabanaysa

Daqiiqado ka dib Doorashada xubnaha aqalka sare oo dhuusamareeb ka Bilaabanaysa

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug gaar ahaan Xarunta Golaha  Baarlamaanka Galmudug waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeeysay ee doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare ku matalaya Maamulkaas.

Shalay guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug waxaa ay diiwaangeliyeen 12 musharax oo ku tartami doona lixda kursi ee Aqalka sare, kuwaas oo manta dhaceyso doorashadooda.

Musharixiinta ayaa marka hore waxaa ay khudbadooda musharaxnio u jeedin doonaan Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Galmudug, iyada oo intasi kadib ay doorashada bilaaban doonto.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka galmudug lagu arkaya Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo amniga xaqiijinaya.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo si cad uga hadlay Muranka kala dhaxeeya Farmaajo.
Next articleWasiir Dowlaha Arimaha Gudaha Soomaaliya oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here