Home Wararka Somaliya Ra’isul Wasaare Rooble oo si cad uga hadlay Muranka kala dhaxeeya Farmaajo.

Ra’isul Wasaare Rooble oo si cad uga hadlay Muranka kala dhaxeeya Farmaajo.

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta , Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, arrintaas oo dhalisay tuhun ah in labada mas’uul uu khilaaf soo kala dhexgalay.

“Heshiis ayaan nahay, dalkaas haddaan heshiis la ahayn ma soconayo oo qar ayuu ka sii dhacayaa. Anniga iyo madaxweynaha waxaa naga go’an in dalkaas aan gaarsiinno doorasho annaga oo wada soconna, si nabad ah, oo xasillooni ku jirto oo isfahan ku jiro. Wax caqabad ah ama wax khilaaf ah ma jiro,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.

Hadalka ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal haayay khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ad
Previous articleDoorashada Aqalka sare ee Galmudug oo Maanta dhuusamareeb ka bilaabanaysa
Next articleDaqiiqado ka dib Doorashada xubnaha aqalka sare oo dhuusamareeb ka Bilaabanaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here