Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug gaar ahaan Xarunta Golaha Baarlamaanka Galmudug waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeeysay ee doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare ku matalaya Maamulkaas.
Shalay guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug waxaa ay diiwaangeliyeen 12 musharax oo ku tartami doona lixda kursi ee Aqalka sare, kuwaas oo manta dhaceyso doorashadooda.
Musharixiinta ayaa marka hore waxaa ay khudbadooda musharaxnio u jeedin doonaan Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Galmudug, iyada oo intasi kadib ay doorashada bilaaban doonto.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka galmudug lagu arkaya Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo amniga xaqiijinaya.