Home Wararka Somaliya Maxuu yahay Hadalka kasoo yeeray Ilhaan Cumar ee ku aadan Duqeynta Galmudug

Maxuu yahay Hadalka kasoo yeeray Ilhaan Cumar ee ku aadan Duqeynta Galmudug

0

lhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Jihaad doonka ah.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington. Waxayna arrintaani timid iyadoo la sheegayo qorshayaasha Aqalka Cad, oo uu soo bandhigay la-taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan bishii Janaayo, si loo xaddido howlaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inta maamulku uu dib u eegis ku sameynayo siyaasaddiisa ladagaalanka argagixisada.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka jawaabay hadalka Ilhaan Cumar ayaa uga digay inay hiil u noqoto Al-Shabaab, isagaboo sheegay in Ilhaan ay la xisaabtan ka rabaa Hay’daha kala duwan ee dalka Mareykanka.

Wasiir Fiqi oo qoraal Jawaab ah soo dhigay Badtiisa Facebook ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Ilhaan Cumar wadada kaliya ee u furan ay tahay inay taageerto howlgallada iyo duqeymaha ka dhamka ah Al-Shabaab.

Ad
Previous articleDagaal culus oo hadda ka Qarxay Qeybo ka mid ah Gobalka Mudug
Next articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo maanta la wareegay Deegaano ay shabaabka heesteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here