Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in galabta uu isku soo dhiibay Saraakiil ka tirsan Al shabaab sida ay war fidiyeenka u sheegeen.
Taliyaha La-Dagaalanka Argaguxisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa xaqiijiyay in Sargaalkaani isku dhiibay Ciidanka Kaas oo lagu magacaabo Dalabeey Ismaanciil oo ahaa Horjooge Sare.
Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo lasoo xariiraya Ciidanka Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Hadalkaan ka soobaxay Taliyaha La-Dagaalanka Argaguxisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa imaanaya xili Deegaanada Galmudug uu ka soconayo Dagaal ka dhan ah Alshabaab.
Ad