Home Wararka Somaliya Galmudug oo shaacisay in sarkaal sare oo shabaab ah isku soo dhiibay

Galmudug oo shaacisay in sarkaal sare oo shabaab ah isku soo dhiibay

0
Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in galabta uu isku soo dhiibay Saraakiil ka tirsan Al shabaab sida ay war fidiyeenka u sheegeen.
Taliyaha La-Dagaalanka Argaguxisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa  xaqiijiyay in Sargaalkaani isku dhiibay Ciidanka Kaas oo lagu magacaabo Dalabeey Ismaanciil oo ahaa Horjooge Sare.
Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo lasoo xariiraya Ciidanka Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Hadalkaan ka soobaxay Taliyaha La-Dagaalanka Argaguxisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa imaanaya xili Deegaanada Galmudug uu ka soconayo Dagaal ka dhan ah Alshabaab.
Ad
Previous articleMadaxweyne sheikh shariif iyo Xasan sheikh oo biri ku wajahan Degmada Cadale ee sh/dhaxe
Next articleShabaab oo war kasoo saaray Dagaalada ka Socda Galmudug iyo War Dowlada shaacisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here