Home Wararka Maanta Ciidamadii Badbaado Qaran oo Mushaarkii Laga Goostay

Ciidamadii Badbaado Qaran oo Mushaarkii Laga Goostay

0

Wararka ay Helayso Warbaahinta Mudug24 ayaa tilmaamaya in Qaar ka mid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee badbaado Qaran kana dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen.

Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Milateriga iyo booliska Soomaaliya.

ilaha iyo xogaha Muhiimka ah ee la helayo ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ay mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade.

Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habar-gidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaharkood.

Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay.

Ad
Previous articleXaalada Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo Howlo Miino Baaris ah laga sameeyay
Next articleKurt Westergaard oo u gafay Nabi Muxamed NNKH oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here