Home Wararka Somaliya Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Ahmed Faafaale ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu...

Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Ahmed Faafaale ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyey Caasimada Denmark ee Copenhagen {Sawiro}

0
Wasiir dowlaha Caafimaadka Galmudug Ahmed Faafaale ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyey caasimada Denmark Ee Copenhagen.
Wasiirka ayaa Jaaliyada reer Galmudug uga warbixiyey horumarada ka jira deganada Galmudug iyo Waliba baahiyaha ay lagama maarmaanka tahay in lag qeyb qaato.
Wasiirka ayaa u sheegay jaaliyada in Galmudugta uu hogaamiye madaxweyne QoorQoor ay ku tilaabsatay horumar la taaban karo balse waxaa uu sheegay in dad xumaaan jecel ay wax u xumeeyaan bulshada qurba joogta ah kuwaas oo ka xun magaca iyo miisaanka maanta ay Galmudug gaartay.
Dhanka Caafimaadka ayuu wasiirku ka codsaday in jaaliyada inay ka garab siiyaan Qalabka Caafimaadka iyo baaburta Ambulance oo aad loogu baahi qabo deeganada Galmudug.
“Galmudug waxa ay mideysay canshuurta gudaha iyadoo ay korortay dakhliga soo Gala dowlada Galmudug, waxaa lagu guuleystay in la sameeyo ciidan daraawiish oo Galmudug leedahay.
Galmudug howlaha siyaasadeed Ee dalka iyada ayaa maanta hogaamisa waxaana idin xasuusinaa shirarkii (Dhusamareeb1,2,3,4) oo Lagu go’aamiyey heshiiska doorssho Ee maanta dalku uu galaayo.
Ugu dambeyntii jaaliyada ayaa bogaadisay tilaabooyinka dhanka horumarka loo qaaday Ee dowlada Galmudug ku tilaabsatay waxaana ay balan qaadeen inay la shaqeyn doonaan maamulka Galmudug gaar ahaaan Wasaaradaha arimaha bulshada sida Wasaarada Caafimaadka.
Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Goballada waqooyi {Sawiro}
Next articleWafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Hobyo { SAWIRO}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here