Home Wararka Somaliya Dad ku dhaw 10 ruux oo ku geeriyooday Muqdisho ka dib Markii...

Dad ku dhaw 10 ruux oo ku geeriyooday Muqdisho ka dib Markii uu soo dumay………

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dad barakacayaal ah oo kunool Kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho oo xalay uu kusoo dumay derbi weyn oo ay ag-daganaayeen.

Debiga soo dumay oo ahaa dhismo horey oo qadiimi ah ayaa ku dhex-yaala Kaam lagu magacaabo Al-cadaala oo ku dhaw xarunta  Jaamacadda Shabeelle, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta Mudug24  ayaa sheegay in Lix ruux ay halkaas ku dhinteen oo 4 kamid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah, xili ay hoos jiifeen derbiga soo dumay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo la geeyay Isbitaal.

Dad shacab ah oo ka ag dhawaa Kaamka ay deganaayeen Barakacayaasha ayaa tegay goobta, iyagoo Debiga soo dumay kasoo hoos bixiyay Meydadka dadka geeriyooday, waxaana la tilmaamay in burburka dhimaha uu sababay roobabkii ka da’ay Caasimadda.

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo ka hadlay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika usoo Magacaawday Soomaaliya
Next articleFanaanad caan ah oo Muqdisho ku geeriyootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here