Home Wararka Caalamka
0

Labo diyaaradood oo kamid ah kuwii ka qeyb qaatay dagaalkii labaad ee adduunka ayaa hawada iskula dhacay xilli ay ka qeyb qaadanayeen bandhig dhinaca hawada ah, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaaradahan ayaa qeyb ka ahaa bandhig duulimaad , waxa ayna iskula dhaceen hawada gobolka Texas ee dalka Mareykanka xilli ay joog hoose ku duulayeen, waxaana muuqaal la baahiyay laga arkayay diyaaradahan oo isku dhacaya haddana burburaya.

Ku dhawaad shan qof ayaa ku dhintay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay dalka Mareykanka, waxaana labada diyaaradood oo isku dhacay oo nuucoodu ahaa  P-63 Kingcobra iyo Boeing B17, kamid ahaayeen diyaaradihii ka qeyb qaatay dagaalkii labaad ee adduunka.

Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano lagu sameenayo shilkan diyaaradeed, mana la shaacin wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilkan ka dhacay gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Ad
Previous articleCiidamada Itoobiya oo galaya Magaalada Makelle iyo Hub ka dhigis lagu sameenayo TPLF
Next articleRa’iisul Wasaare Xamze Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Cusub Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here